Somali News

Maxay ka wadahadleen R/wasaare Rooble iyo Cali Guudlaawe?.

Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta waxaa kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulankaan oo ka dhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay Dardargalinta Hannaanka Doorashooyinka, Sugidda Amniga & Horumarinta Deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo la qaadanayay xubnaha musharixiinta mucaaradka, kuwaasi oo si weyn u diiday guddiga doorashooyinka.