Somali News

Maxay ka wadahadleen R/wasaare Rooble iyo Musharax Daahir Geelle?.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamuud Geelle.


Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka ka jira arrimaha doorashada oo ay isku hayaan Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka lagu soo hadal qaaday in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhan xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo dib u dhac u keeni kara dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khamiistii lasoo dhaafay kulan la qaatay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur Warsame, iyagoo ka wada hadlay xal u helida arimaha doorashooyinka