Somali News

Maxay ka wadahadleen Xasan Shiikh iyo madaxda Hay’adda IMF?.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo wasiirka maaliyadda xukuumadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay madaxda hey’adda dhaqaalaha aduunka ee (IMF).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in hey’adaha dhaqaalaha caalamku dhegeystaan aragtida dhaqaale iyo barnaamijka dayn cafinta ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

17-ka May oo maanta ku beegneyd waaxay hey’adda IMF horay u sheegtay in ay joojinayso wada shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, hadii aan lasoo gabagabeyn doorashada oo aan dooran hoggaan cusub.

Hase yeeshee doorashada ayaa ku soo idlaatay waqtigii loo qorsheeyey ee 15-kii May, waxaana la doortay Madaxweyne cusub oo faham badan ka heysta horumarinta dhaqaalaha dalka iyo arrimaha deyn cafinta oo dowladda Soomaaliya meel fiican u maraya.