Somali News

Maxay ka wadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo M/weynaha Hirshabeelle?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka madaxweyne Guudlaawe iyo Guddoomiye Madoobe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada Madaxweynaha 10-aad oo maanta ay billaabatay Shahaado siinta Musharaxiinta.

Labada mas’uul ayaa isku afgartay in la dardar geliyo dadaalada lagu dhammeystiro Doorashada dalka oo meel gabo gabo ah mareysa.

Waxaa 15 bishaan loo ballansanyahay in la doorto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo soo afjareyso muran hareeyay Doorashada soo jiitameysay sannadkii la soo dhaafay.