Somali News

Maxay kawada hadleen guddoomiye Mursal iyo Xasan Sheekh Maxamuud?

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, iyagoona ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka..

Masuuliyiinta oo maanta galinkii dambe kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe waxa ay uga hadleen doorashada soo sococta ee dalka 2020/2021 sida lagu qoray barta facebok ee golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriydda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo labaduba Garoowe uga qyeb-galaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa waxaa ay la kulmeen Madax kala duwna oo ka tirsan dowladda & Mucaaradka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxda Dowladda oo uu kujiro Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha Mucaaradka oo uu kamid yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay isku khilaafsan yihiin Arrimaha doorashooyinka.