Somali News

Maxay tahay fariinta uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Xildhibaanada Gollaha Shacabka?

Guddoonka Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Xildhibaannada u diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in berri uu jiro kulan ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Farinta loo diiray Mudanayaasha golaha shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo xaadiraan xarunta Gollaha Shacabka BJFS ee Villa Hargeysa, saacadu marka ay tahay 9:00 Subaxnimo.

Waxaa la aaminsanyahay in Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo kuguuldareystay in uu 30-kii cisho ee sharciga ahaa ku dhameystiro xubnaha golihiisa Wasiirada uu dalban doona waqti dheeraad ah, si uu usoo dhiso Gollihiisa wasiiradda.