Somali News

Maxay tahay fariinta uu Madaxweynaha Faransiiska udiray Iran?

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Iran, Ebrahim Raisi, in dib u soo noolaynta heshiiskii 2015 ee Nukliyeerka Tehraan uu “Weli suurtagal yahay”, balse loo baahan yahay tallaabo degdeg ah.

Isagoo taleefoon kula xiriiray ayuu Macron muujiyay sida uu uga xun yahay horumar la’aanta la xiriirta arrintan tan iyo markii la hakiyay wadahadalladii Vienna horaantii sanadkan.

Iran ayaa jabisay qaar badan oo ka mid ah heshiisyadii lala galay tan iyo markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu ka baxay heshiiskaasi isla markaana uu cunaqabateyn adag ku soo rogay Tehran sannadkii 2018-kii.