Somali News

Maxbuus ku geeriyooday xabsi ku yaal Magaalada Qardho.

Marxuum Sharma’arke Warsame Nuux oo kamid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga degmada Qardho ayaa sida la xaqiijiyay u geeriyooday jirdil loogu geystay gudaha xabsigaas.

Saraakiisha laamaha Amniga magaalada Qardho oo aan xiriir la samaynay ayaa xaqiijiyay geerida marxuumka islamarkaana waxay sheegeen in baaritaan lagu hayo dilkiisa.

Saraakiisha ayaa sheegay in aysan faahfaahin intaas ka badan bixin karin ilaa laga dhammaystiro baaritaanka lagu hayo dhacdadaas.