Somali News

Maxkamad ku taalla Kenya oo maanta qaadeysa kiiska weerarkii Westgate

Nairobi-KNN-Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay qaaddo kiiska saddex nin oo ku eedeysan inay caawiyeen maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday dhisme laga dukaameysto oo ku yaalla acasimadda Nairobi, sanadkii 2013.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas oo lagu qaaday dhismaha Westgate.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas. Kenya ayaa sheegtay in raggii geystay weerarka ay ku dhinteen gudaha dhismaha.

In ka badan 140 marqaatiyaal ah ayaa ku marag furtay raggaasi, inkastoo eedeysanayaashu ay beeniyeen.

Kenya ayaa feejignaan dheeri ah ka muujineysa weerarro laga geysto gudaha dalkeeda iyadoo ciidamo milatari ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye Cabdiwahaab Aadan Cabdiraxmaan ayaa warbixintan nooga diyaariyey.