Somali News

Maxkamada Racfaanka Gobalka oo xukun Ku riday saraakiil lagu eedeeyay musuq maasuq

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta Go’aan kasoo saartay Dacwad loo heystay Saraakiil katirsan Dakadda Muqdisho iyo Ganacsade.

Maxkamada ayaa xukuntay inaysan wax danbi ah galin kadib markii ay ku guul dareysteen Xafiiska Xeer ilaalinta in ay Maxkamadda horkeenaan cadeymo ku filan in lagu helo  Eeda ay usoo jeediyeen Muwaadiniintaas.

Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala yihiin Axmed Cabdullaahi Samow,Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xuseen,Cali Cilmi Geele,Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow,kuwaas oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun saddex sano ah ka dib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha.

Sidoo kale, Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa amartay 5-Eedeysane in xuriyadooda dib loogu celiyo halka ay 2-Eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay Dacwadoodo Maxkamadda Darajada  1-aad maadaama aan loo marin Habraaca Dacwadaha Dadka maqan sida soo qabasho ama Baafintii IWM.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa aqriyay Go’aaanka Maxkamadda.