Somali News

Maxkamadda ciidamada oo amarro kusoo rogtay saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha  Maxkamadda darajadda 1-aad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda kaddib lala xisaabtami doono saraakiisha iyo ciidamada lagu aamino hantida dowladda sida hubka iyo gadiidka.

Shuute oo safar ku tagay deegaankii labo maalin ka hor lagu laayay ciidamo ka tirsanaa xoogga dalka si garsoorku baaritaan ugu sameeyo dhacdadii lagu laayay ciidamada iyo cida sameysay dayacaadda ayaa sheegay in ay kormeer ku mari doonaan dhamaan xeryaha ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaanada gobolka Shabeellada Hoose.

Waxa uu sheegay in yaliye kasta iyo askari walba lagula xisaabtami doono hubka iyo gaadiidka ay ku aamintay dowladdu, ila markaana maxkadd lasoo taagi doono askarigii dayaca xoolaha qaranka.

Halkaan ka daawo:-