Somali News

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay 7 Shabaab ah

Muqdisho-KNN-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa todoba nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii maanta ay soo gaba-gabeysay dhagaysiga kiiskooda oo mudo soo socday.

Seddax ka mid ah ragga dilka lagu xukumay ayaa joogay Maxkamadda, halka afar kalena weli ka maqanyihiin gacanta hey’adaha ammaanka.

Ragga dilka lagu xukumay waxaa la sheegay inay ahaayeen shabakad uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase) kaasi oo maxakamadda ka hor qirtay ku lug lahaanshaha dilal dhowr ah iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa jira xubin kale oo sideedaas oo maxkamaddu ay ku xukuntay ‘madaxaa haku furto’ ama xabsi daa’im, halka gabar sagaal ku aheyd xubnahaas ay maxakadda ciidamadu ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah.