Somali News

Maxkamadda Ciidamada oo Xakuno kala duwan ku riday qaar kamid ah Maamulka Degmada Hodan.

Maxkamada Ciidmada Qalabka Sida ayaa xukuno Xabsi Ciidan oo u dhaxeya 10 ilaa 1 sano waxay ku riday

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale,

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.