Somali News

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday xubin ka tirsana Al-shabaab

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay Ibraahim Cusmaan Macallin Abiikar oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Ciidanka Ha’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Ibraahim 22-kii July 2023, xilli ay howlgallo ka fulinayeen magaalada Baydhabo.

Ibraahim Cusmaan ayaa Al-shabaab u qaabbilsanaa qeybta qaraxyada iyo kala gudbinta agabyada ay u baahan yihiin, isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

Ibraahim ayaa sidoo kale ku eedeysan in Miino ay ku aaseen Kaam ku yaalla magaalada Baydhabo isaga iyo saaxiibkiis oo lagu magacaabi jiray Daahir,kaas oo ka maqan gacanta laamaha ammaanka, waxaana falkaas ku geeriyoodeen saddex qof halka Lix kalana ay ku dhawacmeen.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar, waxaana lagu xukumay madaxaa haku furto [xabsi daa’in] , sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad ee magaalada Baydhabo.