Somali News

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo billaawday dhageysiga dacwadda Sayid Cali oo dhowaan gubay Xaaskiisa

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa saakay bilowday dhageysiga dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Sayid Cali Macalim Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa oo laheyd Uur isla markaana uu geeriyootay Dhaawacii kasoo gaaray gubkaasi.

Halka ay dacwadda ka socoto waxaa ka ku sugan eheladda Marxuumadda, eedeysanaha, Qareenadda difaaca eedeysanaha Xeer Ilaaliye ku xigeeno iyo dadweyne Badan oo usoo daawasho tagay.

Dhacdadaan iyo Marxakadaha ay soo martay.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degmadda Dharkeynleey ee gobolka Banaadir Taariikh-da marka ay aheyd 26 kii January.

05-02-2024 ayaa ciidamadda amaanka gacanta kusoo dhigay eedeysanaha asaga oo baxsad ah kuna dhuumanaya meel u dhow degnadda Wisil ee gobolka Mudug.

Dhibane Luul Sheekh ayaa 07-02-2024 u geeeiyootay dhaawacii kasoo gaaray dhibka uu u geystay saygeeda.

14-02-2024 ayey Hey’adda NISA kusoo wareejisay Ciidanka Booliska soomaaliyeed.

15-02-2024 ayuu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa eedeysanaha horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir.