Somali News

Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay in Xabsiga dhexe lagu haayo muwaadin UK u dhashay

Muqdisho-KNN-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sano jir ah u dhashay UK.

Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in Antony Thomas loo heysto isku day Qatar gelinta degenaanta guud ee dalka iyo diidamada inuu bixiyo xog ku saabsan qarax la sheegay in lala damacsanaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Maxamkamadda ayaa sheegtay inuu ku eedeysan yahay jebinta Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ninkaan heesta dhalashada Ingiriiska ayaa sabtidii todobaadkaan waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana loo gudbiyay CID maalintii ay soo qabteen Ciidamada Booliiska Soomaaliya.