Somali News

Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dhageysiga kiiska Soomaaliya iyo Kenya

 Muqdisho-KNN-Maxkamadda caddaaladda aduunka ee ICJ ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwada kiiska badda Soomaaliya ee Kenya ay damaacinayso, kaas oo loo asteeyay in loo fariisto maalinta Isniinta ee  9-ka sidoo kalana la doonayey in lasoo gabagabeeyo 13-ka bishan September oo ku beegan maalin Jimco ah.

Maxkamadda ayaa hadda kiiskaas dib u dhigtay muddo labo bilood oo ah ilaa bisha November ee sanadkan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi oo ku sugan wadanka Holan oo ah fadhiga Maxkamaddaas.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay Kenya codsatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda, iyadoo ku andacootay inay dooneyso inay qorato qareenno cusub, kadib markii ay cayrisay qareenadii hore.

Si kastaba, maxkamadda ayaan aqbalin codsigii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, waxaana hadda laga doonayaa inay maxkamadda hor-timaado bisha November ee sanadkaan.