Somali News

Maxkamadda ICJ oo xukun ka soo saartay xasuuqa Israel ka geystay Qaza

Maxkamadda Caddaalada Adduunka oo go’aan ka soo saartay dacwad laga gudbiyay xasuuqa ay Israa’iil ku heyso Shacabka Falastiin. 

Maxkamadda Caddaalada caalamiga ayaa ku amartay Israa’iil inay qaado  tillaabooyin ay ku joojineyso  xasuuqa ay ku heyso Shacabka Qaza. 

Maxkamadda ayaa xukun ka soo saartay dacwadii ay u gudbisay dowladda Koofur Afrika, iyada oo Israel ku amartay  inay ogolaato gargaarka binu aadanimo oo gaara dadka u baahan. 

Israa’iil waa inay qaaddaa “tallaabooyin degdeg ah si gargaarka bani’aadamnimo u gaaro shacabka ku sugan xiryaha qaxootiga,” ayay tiri maxkamadda. 

Maxkamadda ayaa sheegtay in sii wadi doonto baaritaanada ay ku heyso xasuuqa Israel ay ku heyso Shacabka Falastiin. 

Waxay xustay Falastiiniyiinta in ay la ilaalineyso  sharciyada ka hortaga Xasuuqa, iyadoo aqoonsan xuquuqda Falastiiniyiinta.