Somali News

Maxkamadda Maroodi Jeex oo biri Go’aan ka gaareysa kiiska Coldoon

Hargeysa-KNN-Weriye Cabdi-Maalik Muuse Coldoon oo in ka badan Seddax bilood ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in Isniinta biri ah ay xukunkiisa ku dhawaaqdo Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex.

Ugu yaraan Seddax jeer ayaa lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex waxaana lagu eedeeyey qoraalo uu ku haahiyiyey bartiisa baraha Bulshada, kuwaas oo ka dhan ahaay Xukuumadda Soomaaliland iyo Dugsi lagu magacaaabo Abaarso oo ku yaala meel duleedka ka ah magaalada Hargeysa, kaas oo ay gacanta ku hayaan qolyo reer Galbeed ah.

Ilaa Seddax eedeymood oo loo heyso Suxufi Cabdi-Maalik ayey dhowaan dhageysatay Maxkamaddu, waxaana la filayaa in ay biri soo saarto go’aanka ugu dambeeye ee eedaha loo heysto Coldoon.

Qoraalada uu ku baahiyey baraha Bulshada ee loo heysto Coldoon, oo labo ka mid ah sida la sheegay waxa uu kaga hadlayey Xukuumadda Muusa Biixi, halka kan kalana uu kaga hadlay Dugsiga Abaarso, waxeyna kala ahaayeen,

“Taliskani Waxa uu hayaa tubtii talisyadii hoogay” qoraalka labaad oo isla xukuumadda ku saabsan ayaa loo dhigay sidaan, “Taliska Muuse Biixi waa sida Taliskii Cabdi Iley oo soo koraya”, halka qoraalka Seddaxaad la sheegay in uu ugu gafay Iskuulka Abaarso waxuuna u dhignaay sidaan, “Dugsiga Abaarso waxaa lagu faafiyaa Diin aan tan Islaamka aheyn”. Eedahaas ayaa Maxkamadda la horkeenay dhow mar oo ay u fariisatay kiiska Cabdi-Maalik.