Somali News

Maxkmadda Ciidamada Milatariga Somaliland oo xukun ku riday Askari horay dil u geeystay.

Maxkamadda Ciidanka Millatariga Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa isla ciidanka Milatariga Somaliland.

Saalax Bullaale Jaamac dhawaan magaalada Hargeysa ku toogtay gabadh dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdillaahi Maykal.

Najma Cabdillaahi Maykal ayaa ku geeriyootaay Rasaas uu furay Saalax Bullaale Jaamac xili ay saarneed gaari iyadoona kusoo jeeday Suuqa.

In kastoo maalmihii lasoo dhafay ehelka Najma ay dalbanayeen Cadaalad, hadana maanta ayeey Go,aan ka gaartay Maxkamadda Ciidamada Milatariga Soomalind, iyadoona ku xukuntay xukun dil ah Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa isla ciidanka Milatariga,

Soomaaliland waxaa ku yar sida cadiga ah dilka ay geeeystaan Ciidamada Milatariga ah iyo kuwa Booliska ah iyadoona inta badan lagu ride dil toogasho ah.