Somali News

Maydka Marxuum Jawaahir A. Cilmi oo la keenay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay meydka Allaha u naxariistee Jawaahir Axmed Cilmi oo kamid ahayd sanatadii aqalka sare shanti sano ee lasoo dhaafay.

AUN Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ku geeriyoootay dalka Hindiya, waxaana goordaw ayaa lagu wadaa in lagu aaso Qabuuro ku yaalo isbitaalka ciidanka xoogga ee magaalada Muqdisho.

Aaskeed ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan masuuliyiin dowladeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Marxuum Jawaahir Axmed Cilmi ayaa aheyd qof u dooda arrimaha Bulshada iyadoo lagu xasuusto doorkeedii dhismaha Galmudug iyo xal u helida colaado iyo xiisado ka taagnaa gobalada dhaxe ee Soomaaliya.