Somali News

MD Xasan Shiikh iyo Aadan Madoobe oo ka wada hadlay Dhismaha Dowladda cusub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada Mas’uul ayaa Hambalyo iyo Sallaan ka dib, ka wada hadlay Dhismaha hay’addaha cusub ee Dowladda sida magacaabida Ra’iisul wasaaraha iyo Golahiisa Wasiiradda.

“Waxaan maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur “ Madoobe”. Waxaan ka wada hadalnay dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda iyo dedejinta howlaha xilliga kala guurka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh, ka dib kulanka.

Sidoo kale, Shiikh Aadan Madoobe ayaa Madaxweynaha cusub ugu hambalyeeyay Doorashada xalay ee Xildhibaannada labada Aqal ku doorteen Magaalada Muqdisho.