Somali News

Midowga Afrika oo war ka soo saaray dilalka isirka ku saleysan ee ka dhacaya Itoobiya

Addis Ababa-KNN-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa cambaareeyay dilalkii dhowaan ka dhacay dalka Itoobiya ee u dhaxeeyay qowmiyadaha dalkaas wada dega.

Rabshadaha isirka ku saleysan ayaa beryihii dambe ku soo badanayay dalkaas, iyadoo weerar Axadii ka dhacay gobollada Amxaarada iyo Oromiya ay ku dhinteen dad aad u badan.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ee magacooda loo soo gaabiyo EHRC ayaa sheegay in dad ka soo jeeda qomwiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya ee Amxaarada lagu beegsaday weerarkaas.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Faki Mahamat, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in la joojiyo rabshadaha ka socda dalka Itoobiya, isla markaana laga xaajoodo arrimaha ugu muhiimsan ee la siku hayo.

Wuxuu sidoo kale ku boorriyay dowladda federaalak Itoobiya in laga shaqeeyo wax ka qabashada xiisadaha ka sii daraya ee dalkaas ka jira.