Somali News

Midowga Afrika oo dib u habeyn ku sameynaya Ciidamada AMISOM



Muqdisho-KNN-Francisco Madeira oo ah wakiilka Midowga Afrika ee u qaabilsan  arimaha Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay dib u habeyn lagu sameyn doono  Ciidamada AMISOM,  ka hor inta aysan ciidamada  Burundi ka bixin  Soomaaliya.

Mandeira waxaa uu sheegay in qorshan ay bilaaban doonaan maalmaha soo socda, islamarkaana dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Wakiilka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan ciidamo tiradooda gaaraysa 1,000 askari oo ka socda kuwa Burundi ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Hadaldan ayuu ka sheegay kadib markii shalay uu ka qeyb galay shir looga hadlay amniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa  horey Muqdisho kaga dhawaaqay in 1,000 askeri oo ka mid ah AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya, marka la gaaro dhammaadka bisha Desembar ee sanadkan.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.