Somali News

Mike Pompeo oo maanta socdaal ku tegay dhulka reer Falastiin ee Daanta Galbeed

Muqdisho-KNN-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa Khamiista maanta ah noqday diblamaasigi ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda dhulka ay Israel heysato ee Daanta Galbeed.

Pompeo ayaa tagay xaafado ay Israel ka sameysay deegaameyn oo ay hadda ku noolyihiin qoysas Israa’iiliyiin ah.

Sidoo kale waxa uu booqan doonaa Buuraleyda Golan Heights, oo ah dhul istaraatiiji ah oo ay Israel ka qabsatay Suuriya, sannadki 1967-kii.

Madaxweyne Trump ayaa Golan Heights sannadkii hore u aqoonsaday dhul ay Israel leedahay, taas oo ay cambaareeyeen bulshada caalamka.

Heysashada Israel ee Daanta Galbeed, waxay Falastiiniyiinta iyo bulshada caalamku u arkaan xadgudub ka dhan ah qaanuunka caalamiga ah.

Sidoo kale boobka Israa’iil ee dhulka reer Falaftiin inta badan shucuubta caalamku waxay u arkaan caqabada ugu weyn ee ku hor-gudban nabad laga dhex-dhaliyo Israa’iil iyo Falastiin.