Somali News

Milateriga Hindiya oo lagu eedeyay in ay dad rayid ah ku dileen gobolka Kashmiir

Ciidamada Hindiya ayaa lagu eedeyay in ay dad rayid ah ku dileen gobolka lagu muransan yahay Kashmiir.

Shacab badan oo carreysan ayaa isu soo baxay, iyaga oo muujiyey sida ay u diidan yihiin dilka saddexda qof.

Sida laga soo xigtay qoysaska, saddexda nin ee la dilay ayaa lagu kala magacaba Mohammad Showkat, 22, Safeer Hussain, 45, iyo Shabir Ahmad, 32.

Ka hor dilkooda waxaa Ciidamo ka tirsan Militeriga Hindiya ay ka xireen tuulada Topa Pir ee ku taal degmada Poonch Jimcahii,  markaasi oo ay uga shakiyeen fallaago weerar gaadmo ah ku qaadeen militariga.

Ciidamada Militariga Hindiya oo ka hadlay Dhacdadaan ayaa sheegay in baarayaan waxa dhacay iyo dilka loo geystay dadka rayidka ah.