Somali News

Militariga Ukraine oo duqeyn ka geystay gudaha caasimadda Ruushka 

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay leeyihiin militariga Ukraine ayaa burburiyay dhismo ku yaala bartamaha magaalada Moscow ee Caasimada Ruushka. 

Gudaha guud ahaan xaafadda magaalada Moscow ayaa waxaa laga maqlay qarax xooggan. Waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa Telegram ku sheegay in nidaamyada difaaca hawadu ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn subaxnimadii hore ee Jimciha maanta. 

Duqa magaalada Moscow ayaa sheegay in goobta uu shilku ka dhacay ay ku sugan yihiin ciidamo gurmad ah,  wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.