Somali News

Militeriga Mareykanka iyo Ingiriiska oo weeraray saldhigyo ay xuutiyiinta ku leeyihiin dalka Yemen

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa weeraro ku qaaday saldhigyo ay xuutiyiinta ku leeyihiin gudaha dalka Yemen, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday xarumo lagu kaydiyo hubka, hannannaga gantaallada, gaadiid gacmo iyo agab kale oo ay Xuutiyiintu u isticmaan.

Waa howlgalkii labaad oo saacado gudahood Mareykanka iyo Britain ka fuliyaan gudaha dalka Yemen, kuwaasi oo lala beegsaday Ururka Xuutiyiinta.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku hanjabay in ay xoojin doonaan weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta, kuwaasi oo ay ku eedeyeen in ay weeraraan Maraakiibta Isiticmaala badda cas.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxya Sareca ayaa sheegay in duqeymaha ay jiraan, isla markaasna ay ka bixiyaan jawaab adag.