Somali News

Milyan Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo

Hal milyan oo muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carafo, si ay u gutaan Waajibaadka Xajka, sida ay xaqiijisay Wasaarada

Muslimiintaan ayaa ka kooban kuwa udhashay dalka gudihiisa iyo kuwa ku noolba, iyo qeyb ka timid Caalanka intiisa kale.

Dadkaas ayaa waxa ay iskugu jiraan da’dooda udhaxayso 18 sano illaa 65 sano.

Sanadkii hore ayaa waxaa xajiyay oo kaliya kumanaan Muslimiin ah kuwaa oo udhashay Sacuudiga iyo kuwa iqaamadaha haystay ee ku noolaa gudaha dalkaasi sabab la xiriirta Covid-19.

Xujayda Sanadkaan ayaa aad uga yar marka loo eego sanadihii hore.