Somali News

Minneapolis oo lagu soo gebagabeeyay dhegaysiga dacwada askarigii dilay George Floyd

Magaalada Minneapolis waxaa saacado ka hor lagu soo gebagabeeyay dhegaysiga dacwada askariga loo haysto dilkii George Flod oo ahaa nin madow ah.

Qareennada difaacaya askariga eedaysan iyo dacwad oogayaasha ayaa soo bandhigay doodahooda.

Waxaana hadda laga warsugayaa go’aanka xeer beegtida iyo xukunka lagu ridi doono Derek Chauvin (pron: Choovin).

Dhanka kale, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Minneapolis oo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan.