Somali News

Mucaaradka oo ka digay in dhibaato ay ka dhalato banaanbax ay iclaamiyeen

Midowga Musharixiinta ee mucaaradka ayaa uga digay dowladda Soomaaliya in ay ishortaagto dibadbaxa lagu waddo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ku baaqay dibadbaxan ayaa uga digay laamaha amniga in ay is hortaagaan isku soo baxa dadweynaha, balse taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sugaan nabad-galyada dadka dibadbaxa ka qeybgalaya maadaama dibadbaxu yahay mid nabaddeed oo dadku shacuurtooda ku muujinayaan.

‘“Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa in aysan carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay sugaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa Shacabka Muqdisho waxaa uu ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxaas oo uu sheegay in uu yahay mid nabadeed.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda uu uga digayo inay banaanbaxaas hor-istaagaan, waxaana uu Bulshada u sheegay in kaliya ay ra’yigooda ku cabiraan, kaas oo ah in muddo ay dhibaatooyin ku heysay dowladda welina aysan aqbaleyn in lagu sii haayo.