Somali News

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay Xafiiska ka tagi doonto

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa shaacisay in bisha May ee soo socota ay ka tageyso Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay haweeneydan ayaa waxaa ay ku sheegtay in ay soo gaba gabeysay howlgalkii ay Soomaaliya u joogtay.

 “Waana sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Ms. Laing, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale, iyada oo sii hadleysa ayaa waxaa y tiri

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto, iyada oo kaashaneysa saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan door muhiim ah oo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee raadinaya nabad iyo Xasilooni”

Catriona Laing, ayaa bishii may ee sanadkii hore waxaa loo magacaabay, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, iyada oo howlgalkeeda ku ekaa bisha soo socota ee May.