Somali News

Muqdisho:-RW Khayre oo dhagax dhigay waddo cusub oo la dhisayo

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta dhagax dhigay wadada xeebto Liido ee degmada Cabdicasiis.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar kamid ku xigeenadiisa ayaa ka qeybgalay dhagax dhigga wadan laamiga la saarayo.

Dhagax dhigga wadadan oo aan dayactir helin tan iyo burburkii Soomaaliya, ayaa xilligan la filayaa in ay waxbadan ka badasho dhaqaalaha Muqdisho, madaama ay marto deegaan muhiim ah oo dalxiiska ku wanaagsan.