Keydka Sawiradda

Muqdisho:-Taliska Booliska oo Maanta soo bandhigay Hub iyo Raggii lagu qabtay

Muqdisho–KNN– Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Gen. Kaahiye ku soo bandhigay Hub iyo Saddex Ruux oo ay sheegeen in Ciidamada Ammaanka ay ku soo qabteen Howlgal ay ka fuliyeen Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Goobta Hubka lagu soo bandhigay waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen Maalin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Hubka la soo qabtay waxaa ku jira Bastoolado iyo Dharka ay Xirtaan Ciidamada iyo sidoo kale Taarigada Baabuurta,waxaana la sheegay in lagu geysan jiray Falal Ammaan daro.