Somali News

Musharaxa Mucaaradka Bobi Wine oo sheegay in lagu shubtay doorashada Uganda

Musharaxa madaxweynimo ee mucaraadka Uganda Bobi wine ayaa muuqaal baahiyaha Al-jaziira u sheegay in ciidamada Millaterigu awood kula wareegeen dhismaha uu deggan yahay.

Bobe ayaa sheegay in ciidamada militiriga ay garaaceen Ilaaladiisa gaarka ah oo xiligaasi ku sugnaa guriga uu ka deggan yahay magaalada Caasimada ee Kampala.

Musharax Bobi Wine, ayaa maanta sheegay in madaxweyne Yoweri Museveni, ku shubtay doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Guddida Doorashada ayaa dhinacooda sheegay in madaxweyne Museveni, ku horreeyo codadka ilaa hadda la tiriyay.

Guud ahaan dalka Uganda waxaa go’an Internate-ka kadib markii dowladdu jartay, dadka ayaana wararka doorashada kala socda Tilifeshinada iyo idaacadaha.