Somali News

Musharaxiinta Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Khudbad jeedinaya.

Garowe-KNN-Waxaa Goordhow xarunta Baarlamaanka Puntland ka  bilowday hadal jeedinta Musharixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

Ilaa 11musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Puntland.

Gelinkii dambe ee maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo dhageysiga hadal jeedinta musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

Beri ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Garoowe.