Somali News

Musharaxiinta uu shirku uga socdo Muqdisho oo dalab u diray madaxda Jubaland iyo Puntland

Muqdisho-KNN-Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii labaad shir uga socda Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in guddiyadii doorashada ee heer federaal ee ka yimid Puntland iyo Jubbaland ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka maamuladaas.

Qoraalkan oo ay ku saxiixanyihiin 14 musharax ayaa looga dalbaday  madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, isla markaana ay bedelaan xubnaha shaqaalaha rayidka ee ku jira guddiyada ay soo magacaabeen ee doorashada.

“Waxaan mar kale ku celineynaa in magaxcaabista guddiyada la waafajiyo heshiisyadii doorashada ee horay loo gaaray, dastuurka Jamhuuriyadda iyo sharuucda kale ee dalka, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka