Somali News

Musharaxii afaraaad oo isaga haray tartanka doorashada

Muqdisho-KNN-Xili Maalmihii lasoo dhaafay ay soo badanayeen Musharixiinta isagga haraya Tartanka Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaaa kusoo biiray Musharrax Madaxwayne Maxamed siiriin oo kamid ahaa Musharixiinta u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Musharax Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed siiriin ayaa noqday musharaxii  Afaraad ee iskaga haray doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya issgoona qoraal uu ku baahiyay Twitterkiisa ku sheegay in uu u tanaasulay Musharrax Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Musharaxiinta kala ah Cabdikariim Xuseen Gulled, Cabdinasir Cabdile Maxamed iyo Dahir Maxamud Gelle ayaa kol hore sheegay in ay isagga hareen Tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceeyso Muqdisho.