Somali News

Musharixiin ka haray tartanka & wararkii ugu dambeeyay doorashada

Waqti waxa uu is guraba In ka badan sanad iyo saddex bilood kadib, muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya waxaa maalinta berri ah oo ah 15 may Teendhada afisiyooni ka dhacaysa doorashada madaxweynaha 10aad.

Dareeka guud ahaan Soomaalida iyo beesha caalamka waxa uu ku fooraraa doorashadan oo qabashadeeda maraaxiil kala duwan soo martay oo ay ugu horeysay khilaafkii iyo jiitaankii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa maalmo gashay xaalad adag kadib markii uu ka dhacay kacdoon hubeysan oo looga soo horjeeday muddo kororsi laba sano ahaa oo baaralamaankii 10aad u sameeyeen madaxweyne Farmaajo. Inkastoo markii dambe dib looga laabtay.

Hogaanka doorashada marki lagu wareejiyay RW Rooble waxaa jiray rajo iyo ififaalo muuqatay inkastoo khilaaf iyo kala aragti duwanaan jirtay oo saameyn ku yeelatay horu socodka doorashada.

Hoos ka dhageyso Warbixinta oo dhameysan waxaa soo jeedinaya Xasan Maxamed Xuseen ( X. Nasiib )