Somali News

Musharixiinta mucaaradka ah oo caawa ka digay in la boobo doorashooyinka dalka

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha soomaaliya ayaa shir degdeg ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa ay si kulul uga hadleen go”aankii ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusern Rooble, kaasi oo ahaa in hada wixii ka dambeeya la guda geli doona hirgelinta doorashooyinka iyo sidoo kale hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa inuu fashilmay waan waanti uu waday iyo eedda uu u jeediyay maamulada Puntland, Jubbaland iyo xubnaha musharixiinta mucaaradka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kulanka kadib shir jaraa”id qabtay ayaa been abuur ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, isagoona sheegay in wax jawaab ah aysan ka helin madaxdii u balanqaaday in ay xalin doonaan tabashooyinka laga qabo doorashooyinka.

“Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,” ayuu yiri Xasan Shiikh

Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa waxaa uu sheegay inaysan suuragal aheyn boob lagu sameeyo doorashada, islamarkaana ay tahay wax aan qurux badneyn in dowladda Soomaaliya ay qaadato go’aan aan loo dhameyn.

Xasan Shiikh ayaa sidoo kale Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu doonayo inuu doorashada ku galo guddiyada doorashada ee uu muranku ka taagan yahay islamarkaana ay muuqato in la iska indho tirayo baaqyada kasoo yeeraya daneeyayaasha doorashada, isagoona arrintan ka digay

Hadalka mucaaradka ayaa kusoo aaday saacado kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inay go’aansatay hirgelinta doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulada Puntland iyo Jubbaland