Somali News

Musharixiinta oo ku adkaystay in ay qabanayaan bannaanbaxa Jimcaha

Iyadoo dhowaan ay dowladda Soomaaliya sheegtay in aan la ogoleyn bannaabax laga dhigo Muqdisho ayaa waxaa hadalkaasi ka soo horjeedsaday midowga musharixiinta, iyagoona sheegay in bannanbixii ay iclaamiyeen uu sidiisii yahay.

Afhayeenka midowga Musharixiinta, Daahir  Geelle oo maanta hotel Jazeera warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in bannaabaxu yahay xuquuq dastuuri ah, isla markaasna jimacaha ay qaban doonaan bannaabixii  ay ku dhowaaqeen.

“Waxaan rabnaa in laga waantoobo is-baaradii loo dhigan jiray bannanbaxa, isbaaro iyo argagexisaba looma hoggaansamo, sidaasi daraadeed bulshada Soomaaliyeed waxaan leenahay meel kasto oo ay joogaan bannaanbaxa waad ka soo qeyb galeysaan”.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ka hor-istaagtey in ay bannaanbax dhigaan xubnaha midowga musharixiinta, iyadoo ay ka dhasheen rabshado sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.