Somali News

Mustaf Cagjar oo sheegay in Itoobiya aysan faragelin ku haynin arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa ka hadlay farglinta dowladda Itoobiya ee Soomaaliya iyo sida uu isbadalka maamul ee Itoobiya uu saameeyay xiriirka labadan dal.

Mustafe oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in aanay jirin wax faragelin ah oo dowladda Itoobiya ay haatan ku hayso dalka Soomaaliya, inkasta oo uu qiray in dowladihii hore ee Ethiopia ay si weyn faraha ugula jireen arrimaha Soomaaliya.

“Maadaama dowladdii hore ee Itoobiya ay dhammaan Soomaaliya maamuleysay faragelin ballaaran ay ku haysay, hadda waxaan ogahay xukumadda Aby Axmed in aysan wax faragelin ah Soomaaliya ku heyn” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Sidoo kale Mustafe ayaa ka hadlay arrimaha Shidaalka ee laga helay dowlad deegaanka, wuxuuna sheegay in khubaro caafimaad ay geyn doonaan goobaha laga qoday shidaalka oo laga soo sheegayo cuduro aan hore u jirin.

Mustafe ayaa dhinaca kale sheegay in xisbiga Barwaaqo ee haya tallada Ethiopia uu guul ka gaari doono doorashooyinka ka dhacaya dalkaasi bartamaha sannadkan.