Somali News

Muuse Biixi iyo safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya oo kulan Ku yeeshay Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya iyo arrimo la xirira dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo wefdiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xiriirka wada shaqayneed iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xiriirkaasi.

Dhanka kale, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.