Somali News

Muuse Biixi oo eedeymo u jeediyay DFS.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa ka hadlay isbedellada haatan ka socda gobolka Geeska Afrika, waxuuna eedeymo u soo jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo baaq u diray beesha caalamka.

Madaxaweynaha Somaliland ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa aqoonsiga ay calamka ka heysato ay ku soo qaaday dagaal diplomaasiyadeed.

“In kastoo aanaan heysan dhaqaale badan, hadana yeeli meyno in waxyeeleynta qarankeena dhaqaale loogu soo gambado,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Isagoo baaq u diraya beesha caalamka ayuu yiri, “Somaliland waxay si cad ugu sheegeysaa beesha caalamka oo dhan iyo cid kasta oo daneyneysa arrinta Soomaaliyeed, in aqoonsiga la siiyey qeyb ka mid ah dalkii bur-buray ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya uu noqday hub lagu bur-buriyo jiritaanka Somaliland.”

Madaxweyne Muuse biixi ayaa hadalkiisa ku sheegay  in Somaliland ay diyaar u tahay in tajaabo lagu sameeyo qaranimadeeda, isagoo tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya aan hadda lala barbar dhigi karin Somaliland,