Somali News

Muuse Biixi oo maanta gaaray Burco

Burco-KNN-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga beegan.

Madaxxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira maalintii labaad ee safar shaqo oo ay ku marayaan qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta gaaray magaalada Burco, waxana jidadka waaweyn ee magaalada si ballaaran ugu soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco, kuwaas oo ku lebisan calanka Somaliland, caleemo qoyanna lulayay.

Madaxweynaha ayaa dadweyne badan waxaa uu kula hadlay Magaalada Burco, isagoona ka dalbaday in ay ka horumarka deegaankooda.