Somali News

Muuse Biixii oo war kasoo saaray khilaaf u dhaxeeya Guddiga doorashooyinka Somaliland

Kadib khilaaf xoogeystay oo ka dhaxeeyay maalmihii la soo dhaafay Guddiga doorashoyinka Somaliland kaas oo sababay in xubno ka mid ah guddiga ay shaaciyaan in xil ka qaadis ay ku sameeyeen Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Soomaaliland, waxaa arrintaas soo war kasoo saaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo xubnaha Guddiga ugu baaqay in arrinkii khilaafka dhaliyay loo maro hanaan sharci ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu kulamo kale duwan uu la qaatay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, kadib markii shalay guddiga soo saareyn warar is khilaafsan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha Guddiga doorashooyinka in waxa khilaafkooda dhaliyay loo sharciga.