Somali News

Muwaadin Soomaali ah oo markale ka soo hor muuqanaya Maxkamad ku taala Mareykanka.

Muqdisho-KNN-Maxamed Nuur, oo ah Soomaaliya Maraykan, kana mid ahaa Saraakiisha Boliiska ee Dalkaasi ayaa mar kale wajahaya Maxkamad, kadib markii lagu eedeeyay dilka Haweeneey Australian ah Sanaddii 2017-kii.

Mr; Nuur oo 33 Jir ah, ayaa Bishii March ee 2018-kii la dhagaystay dacwadaha loo haysto, waxaana Maanta oo Jimca ah lagu wadaa inuu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Minneapolis.

Justine Damond, oo la dilay 15-kii July 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia, waxanay Magaalada Minneapolis kula nooleyd Nin ay xiriir wadaag ahaayeen.

Maxamed Nuur, ayaa haddii lagu helo in uu si ula kac ah u toogtay Haweeneydan, waxa uu wajihi doonaa Xabsi dheer oo aan la ogeyn in uu noqon doono.