Somali News

MW Farmaajo oo dhigiisa Kongo ka codsaday ‘in uu la heshiisiiyo mucaaradka’

Sida ay sheegtey madaxtooyada Koongo, madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday dhiggiisa dalkaas in uu fududeeyo wada-hadal ay yeeshaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubanaha mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda.

Madaxweyne Kongo, Tshisekedi oo hadda haya xilka Midowga Afrika ayaa la sheegay in uu aqbalay dalabkaasi madaxweyne Farmaajo.

Koongo waxay sheegtey in arrintan ay tahay in Afrikaanku ay iyagu dhexdooda xallistaan arrimahooda halkii ay cid kale xallin lahayd.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo hay’adaha dowladda u kordhiyay muddo laba sanno ah, taasi oo abuurtay in uu cirka isku shareero khilaafka doorashada Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka ayaa gaashaanka u daruuray muddo kordhintaasi, iyagoo ku tilmaamay mid wiiqeysa dedaalada dib u dhiska dimuquraadiyadda Soomaaliya.

Magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemaayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, kaasi oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee ka soo horeeda dowladda federaalka Soomaaliya.