Somali News

Maxuu Farmaajo ka yiri xukuumadda uu soo dhisay Rooble?

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta kulan la qaatay golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya oo xalay uu magacaabay Ra’iiusul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaatay golaha xukuumadda cusub, isla markaana uu Ra’iisul wasaare Rooble ku bogaadiyay soo dhisidda xukuumad tayo leh.

“Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Villa Somalia waxaa sidoo kale lagu sheegay in “Madaxweynuhu uu Ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyay doorka uu dhalinyarada iyo haweenka ka siiyay xukuumadda cusub iyo sida uu xoogga u saarayo sii wadidda Guulihii horumarineed ee dalku gaaray.”