Somali News

MW Farmaajo oo la kulmay Saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saartay dib u dhiska ciidamada xoogga, si ay ula wareegaan hantaan howl-gallada amni ee dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey howlagallada ciidadamada xoogga ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa dhankiisa ka war-bixiyay howlgallada ciidamada AMISOM iyo sidii labada dhinac isaga kaashan la hayeen howlgallada wadajirka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ku boggaadiyay howl-gallada ay ka wadaan dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.